Taariikh nololeedka Cali Mahdi

Madaxweynihii ugu horreeyay ee dowladihii Kumeel gaarka ahaa ee Soomaaliya AUN Marxuum Cali Mahdi Maxamed ayaa geeriyooday maanta.

Warar Keydmedia Online
Taariikh nololeedka Cali Mahdi

MUQDISHO, Soomaaliya - Allaha Unaxariistee waxaa geeriyooday Madaxweynihii ugu horreeyay ee dowladahii Kumeel Gaarka ee Somaaliya Marxuum Cali Mahdi Maxamed.

Marxuumka ayaa u geeriyooday xanuun maalmihii u dambeeyay uu la jiifay, isagoo galinkii dambe ee maanta ku geeriyooday magaalada Nairobi ee waddanka Kenya.

Cali Mahdi waxa uu ahaa madaxweynihii 4-aad ee Soomaaliya, waxa uuna noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee xilligii burburka kaddib hoggaamiya dowlad kumeel gaar ah oo soomaaliyeed, kaddib markii la riday nidaamkii keligii taliye Siyaad Barre oo af-gambi kula wareegay talada dalka!

Waxa uu ku dhashay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe sanadku markuu ahaa 1 Janaayo 1939. Wuxuu ahaa madaxweyne intii u dhaxaysay 26 Janaayo 1991 -kii ilaa 3-dii Janaayo 1997 -dii, wuxuu ku dhintay da'da 82 sano jir.

Xilligii burburka kaddib waxa uu noqday ganacsade ku nool magaalada Muqdisho, waxa uuna isaga haray siyaasadda isagoo ahaa nabaddoon beesha uu kasoo jeedo ee Mudullood, waxa uu agaasimay shir ay beeshiisu yeelatay sanadkii hore kaasoo la isugu keenay siyaasiyiin ku kala aragti duwan arrimaha dalka oo ay ku jiraan madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya.

AUN Cali Mahdi ayaa inta uusan dhiman mudooyinkii dambe ka dhex muuqday saaxadda siyaasadda dalka, isagoo u janjeeray dhanka Mucaaradka Farmaajo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.