Axmed Macallin Fiqi oo farriin gaara u diray dad Shabaab ku jira

Wasiirka Amniga gudaha ee dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayaa farriin gaara u diray dadka udhashay Galmudug ee ku jira Al-Shabaab

Warar Keydmedia Online
Axmed Macallin Fiqi oo farriin gaara u diray dad Shabaab ku jira

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo hadal ka jeedinayay goob lagu soo bandhigayay rag ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu qabtay weerarkii xalay lagu soo qaaday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Axmed Fiqi ayaa sheegay in ciidamada Gorgor ay ku guuleysteen in ay gacanta ku soo dhigaan gaarigii ay wateen koox Al-Shabaab ah oo xalay soo weerartay magaalada Dhuusamareeb, wuxuu ku ammaanay ciidamada Gorgor in ay yihiin geesiyaal u babac-dhigay maleeshiyaadka Al-Shabaab, wuxuuna u sheegay in ay isa soo dhiibaan inta ku harsan, isagoo si gaara frriin ugu diray kuwa ku jira Al-Shabaab ee udhashay reer Galmudug.

Waxa uu sheegay wasiirka Amniga gudaha ee Galmudug in ninka hoggaaminayay dagaalada Dhuusamareeb lagu soo qaado iyo waliba nin dhaawac ah oo lasoo bandhigay in ay dhammaantood yihiin reer Galmudug.

Wasiirku wuxuu kaloo caddeeyay in raggii weerarka soo abaabulay xalay qeyb kamida ay baxsadeen, kuwaasoo dib ugu laabtay fariisimihii ay ka yimaadeen.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.