Axmed Madoobe: Ciidanka DFS dhibaato ayeey ka wadaan Gedo

Farmaajo ayaa dan gaar ah ka leh ciidanka uu ku daabulay Gedo.

Warar Keydmedia Online
Axmed Madoobe: Ciidanka DFS dhibaato ayeey ka wadaan Gedo

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya in dhibaato ay ka waddo gobolka Gedo.

Axmed Madoobe oo shir guddoominayey kulankii maanta ee golaha xukuumadda Jubbaland ayaa waxa uu tilmaamay in dowladda federaalka Soomaaliya ciidankii ay geysay Gedo ay amni darro iyo qalqal abuureen.

Waxa uu tilmaamay in shacaba gobolka ay dhibaato weyn ku qaban ciidamada, laakiine dowladda ay dano kale oo siyaasadeed ka leedaay waa sida uu hadalka u dhigaye..

"Waxa ka socda Gedo waad la socotiin, ciidamada ay dowladda federaalka geysay gobolkaasi dhibaato ayeey shacaka ku hayaan annaga hadalkeenna waa la iska dhego tiray" ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ciidamo aad u badan waxa uu ku daabulay gobolka Gedo, isaga oo weli kasii dhego fureysanaya in uu fuliyo heshiiskii Muqdisho ee dhigayay in ciidanka laga soo saaro gobolkaasi, laguna wareejiyo kuwa Jubbaland.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.