Axmed Madoobe: Gedo oo i hoos imaan doorasho ma dhici doonto

Axmed Madoobe waxa uu sheegay in mar walbo diyaar u yahay in doorashada ay dhacdo, balse wuxuu tilmaamay in gobol aan hoos imaan doorasho lagu qaban doonin.

Warar Keydmedia Online
Axmed Madoobe: Gedo oo i hoos imaan doorasho ma dhici doonto

MUQIDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jubbaland ayaa khudbad uu ka jeediyey shirkii maanta u furmay dowladda Federaalka, Beesha Caalamka iyo dowlad goboleedyada wuxuu kaga hadlay arimo aad u badan, sida ammaanka, doorashooyinka iyo awoodda sii kordheysa ee Kooxda Al-shabaab.

Hogaamiyaha Jubbaland ayaa ka hadlay dib u dhacyadda joogta ah iyo isla xisaabtan la’aanta jirta, gaar ahaan howlgalada AMISOM oo aan sidii la rabay loo fulin iyo dhismaha Ciidamada Qaranka oo aan waxba ka suurta galin.

Axmed Madoobe wuxuu sheegay in loo baahan yahay kahor ka bixitaanka Ciidamada AMISOM ee dalka in la helo hanaan amni oo damaanad qaadaya Nolosha dadka Shacabka ah taas oo aan ilaa hada muuqan.

Madoobe oo ka hadlayay Gobolka Gedo iyo doorka doorashada ee Jubaland ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyay in ay dhegaha ka qabsatay codsigiisa, wuxuuna sheegay in Jubaland ay diyaar u tahay doorashada in ay ka qeyb gasho balse aanay doorashada ku qabanaynin gobol aanu nidaam hoos yimaada ka jirin.

Khilaafka Madoobe & Farmaajo 

Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo Farmaajo ayaa waxaa ka dhaxeeya Khilaaf siyaasadeed xooggan, oo ku qotoma doorashooyinka kadib markii Villa Somalia ay diiday inay Ciidanka Gedo kasoo saarto kuna wareejiso maamulka doorashadda lagu qabanayo Garbahaarey.

Axmed Madoobe oo isbaaro dhigtay ayaa dhawaan shaaciyay in Jubbaland aysan ka dhacaynin doorasho, hadii uu Farmaajo diido inuu kusoo wareejiyay maamulka Gedo.

Wuxuu ku eedeeyay Farmaajo inuu Jabhado ka abuuray gobolka, oo hadda maamulkiisa loo dhiibay dad laga keenay Caasimadda dalka oo aan matelaynin danta dadka degaanka. Axmed Madoobe oo isaga xoog ku qabsaday Kismaayo ayaa balan-qaadey inaysan doorasho ka dhacaynin Jubbaland, illaa gacantiisa lagu soo celinayo Gedo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.