Axmed Madoobe: Heshiiska la gaaray uma baahna in la geeyo Baarlamaanka

Axmed Madoobe ayaa u muuqda inuu diiddan yahay in baarlamaanka federaalka la horgeeyo heshiiskii doorashooyinka.

Warar Keydmedia Online
Axmed Madoobe: Heshiiska la gaaray uma baahna in la geeyo Baarlamaanka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa sheegay in heshiiskii ay ku gaareen magaalada Muqsdisho DFS iyo dowlad goboleedyada aanu ahayn xeer u baahan in baarlamaanka la horgeeyo.

Wuxuu sheegay Axmed Madoobe in la gaaray oo kaliya heshiis doorasho, sidaasi darteedna muhiim ay tahay fulintiisa.

"Heshiiskan siyaasadeed ee aan gaarnay ma ahan xeer, waa heshiis aan u aragnay in maslaxad ay ku jirto, waa inaad ogaataan inaanu ahayn xeer ama sharci baarlamaanku meelmarinayo" ayuu yiri Axmed Madoobe.

Dhanka kale, madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in laga xoroobi doono qabiilka, loona laaban doono in saamiga lagu qaato heer deegaan.

Maamulka Jubbaland ayaa ka mid ah maamullada aadka u dhaliilsanaa siyaasadda uu madaxweyne Farmaajo ku maamulayey dalka, sanadihii ugu dambeeyey.

Keydmedia Online

Commenting is not available in this channel entry.