Axmed Madoobe iyo Deni oo yimid Muqdisho

Labada hogaamiye ayaa lagu wadaa inay ka qeybgalaan Kulan Beesha Caalamka soo qaban-qaabisay oo lagu heshiisiinayo iyaga iyo Farmaajo oo isku khilaafsan arrimaha doorashooyinka iyo hanaanka loo marayo.

Warar Keydmedia Online
Axmed Madoobe iyo Deni oo yimid Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxda Jubbaland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa soo gaarey magaaladda Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya.

Deni iyo Axmed Madoobe oo kasoo kala duulay Saakay Garowe iyo Kismaayo ayaa waxay iska soo hormariyeen Ciidan u gaar ah, oo amnigooda ilaaliya inta ay Muqdisho ku sugan yihiin, oo ay qeyb galayaan shirka ay la leeyihiin Farmaajo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.