Axmed Madoobe oo dalbaday in Ciidanka DF laga saaro Dhuusamareeb kahor Shirka

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa ka cabsi qaba inay dowladda xirto, hadii uu tago magaalo ay maamusho, maadaama Khilaaf xooggan kala dhaxeeyo.

Warar Keydmedia Online
Axmed Madoobe oo dalbaday in Ciidanka DF laga saaro Dhuusamareeb kahor Shirka

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo dhigiisa Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka dalbaday Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor inuu Ciidamada Booliska Haramcad ka saaro Dhuusamareeb, kahor inta uusan furmin Shirka Madaxda Maamullada, oo maalinta berri ah la qorsheeyay.

Qoor-Qoor ayaa aqbalay dalabka Axmed Madoobe iyo Deni, isagoo ku amray Ciidanka DF inay isaga baxaan magaaladda, iyadoo amniga lagu wareejiyay kuwa Galmudug oo ilaalin doona hoolka ay ku kulmayaan Madaxweyniyaasha Dowlad Goboleedyada dalka.

Wararka ayaa sheegaya in magaaladda Dhuusamareeb ay maanta oo Arbaco ah tagi doonaan wafuuda madaxda Maamullada, ee lagu casuumay Kulanka July 9, kaasoo Farmaajo ama Khayre midkoodna ka qeybgali doonin, maadaama uu jiro khilaaf siyaasadeed.

Ajandooyinka Shirka Dhuusamareeb waxaa kamid ah in Dowlada Goboleedyada ay heshiis mideysan iyo hal mowqif ay ka gaareen arrimaha doorashooyinka kahor inta aysan la kulmin Farmaajo, oo la filayo inuu Muqdisho ku qabto kulan looga hadli doono dhameynta Khilaafka jira iyo dib usoo celinta wadashaqeynta dhinacyada ka dhaxaysay.

Shirka Dhuusamareeb ayaa la iclaamiyay kadib markii uu qabsoomi waayay kulankii Villa Soomaaliya qorsheynaysay inuu July 5 ka furmi Caasimadda dalka, kadib markii Jubaland iyo Puntland ay qaadaceen Casuumaadii loo diray.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.