Axmed Madoobe oo dayacay amniga Kismaayo

Kismaayo waa magaaladda kaliya oo si buuxda uga taliyo Axmed Madoobe, iyadoo inta kale degaanada Jubbaland ay yihiin kuwa Al-Shabaab maamusho iyo kuwa kale oo DF haysato.

Warar Keydmedia Online
Axmed Madoobe oo dayacay amniga Kismaayo

KISMAAYO, Soomaaliya - Axmed Madoobe oo markii hore xoog ku qabsadey Kismaayo, sidoo kalena si iskiisa ah isagu magacaabey Madaxweynaha Jubbaland ayaa hadda soo wajahay fashil iyo guul-darrooyin isdaba joog ah.

Hogaamiyahan oo dhamaadkii 2012 Kismaayo ku qabsadey Ciidanka Kenya ayaa waxaa dagaal siyaasadeed iyo mid military uga furan dhinaca Gedo, oo Farmaajo askar Muqdisho kasoo diray ay la wareegeen sanadkii tagey ee 2020.

Waxuu Axmed Madoobe lumiyay awooddii uu ku lahaa Gedo, oo maamulkii uu ka dhisay cagta-mariyeen Ciidanka Haramcad, islamarkaana dowladda Federaalka usoo magacawday Maamul cusub heer gobol iyo heer degmo.

Arinta Gedo ayaa noqotay xudunta Xiisadda diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, oo meeshii ugu xumayd maraysa hadda kadib markii Farmaajo uu xiriirka u jaray Nairobi, sidoo kalena xiray Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi.

Amniga Kismaayo ayaa faraha kasii baxaya mudooyinkii dambe, iyadoo xalay lagu dilay Xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka Jubbaland, oo lagu magacaabi jiray Khaliif Haashim Mooge, kaasoo ku dhintay qarax loogu xiray gaarigiisa.

Axmed Madoobe oo ku sugan Garoowe ayaa ka tacsiyadeeyay dilka Xildhibaanka, oo isagu mas'uuluaydiisu leeyahay, maadaama uu dayacay amniga magaaladda Kismaayo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.