Axmed Madoobe oo isbadal ku sameeyay Taliyeyaasha ciidamada amniga

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa isbadal ku sameeyay Taliyayaasha kala duwan ee Hay’adaha amniga Jubbaland.

Warar Keydmedia Online
Axmed Madoobe oo isbadal ku sameeyay Taliyeyaasha ciidamada amniga

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa isbadal ku sameeyay Taliyayaasha kala duwan ee Hay’adaha amniga Jubbaland.

Waxa uu xilkii ka qaaday Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Jubbaland, Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Jubbaland iyo Agaasimaha guud ee Hay'adda  Nabad Sugiddga iyo Sirdoonka Qaranka Jubbaland.

Isagoo xilalkaasi u magacaabay saraakiil ka tirsan ciidamda dowlad goboleedka Jubbaland, waxa uuna u magacaabay sidan:

  1. Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Jubbaland ayaa loo magacaabay S/G Maxamed Cabdi Sheekh.
  2. Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Jubbaland ayaa isna loo magacaabay G/S Maxamed Guuleed Xasan
  3. Agaasimaha guud ee Hay'adda  Nabad Sugiddga iyo Sirdoonka Qaranka Jubbaland ayaa loo magacaabay Maxamed Axmed Sabriye

Isku shaandheyntan ayaa timid kaddib markii Madaxweyne Axmed Madoobe uu dhawaan kasoo laabtay magaalada Muqdisho halkaasoo uu uga qeyb gali lahaa shirkii arrimaha doorashooyinka ee burburay, waxaana intii uu shirka ugu maqnaa Xamar dowladda federaalka isku soo dhiibay wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo ay isku hayb yihiin madaxweyne Farmaajo.

Tallaabadan xilalka looga qaady taliyayaashii hore, isla markaana kuwa cusub loogu magacaabay ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay shaki uu qabo madaxweydne Axmed Madoobe oo dagaal xooggan kula jira madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo isagoo ka cabsi qaba in ay maraan halkii uu maray Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan.

Halkan hoose ka akhriso waraaqda kasoo baxday Xafiiska madaxtooyada dowlad goboleedka Jubbaland:

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].