Axmed Madoobe oo ka gadooday shirka Dhuusamareeb

Wararka ka imanaya caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ‘Madoobe’ uu caawa ka gadooday  shirka.

Warar Keydmedia Online
Axmed Madoobe oo ka gadooday shirka Dhuusamareeb

DUUSAMAREEB, Soomaaliya - Axmed Madoobe ayaa isaga baxay shirka sida wararku sheegayaan makii uu saluugay qeyb ka mid ah qodabada la isla soo qaaday ee looga hadlayay xaalaadda Gobolka Gedo, iyo caga jiid uu ka dareemay dhanka Farmaajo..

Axmed Madoobe ayaan xal dhameystiran u arkin qodabadii hore la iskula meel dhigay ee Keydmedia Online hore u baahisay kuwaas oo ay qeyb ka ahaayeen In Guddiga Doorashada Jubbaland la geeyo Garbahaarey, In Ciidan Boolis ah oo ka tirsan AMISOM la geeyo isla magaaladaas iyo In Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland, Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabelle loo xil saaray xal ka gaarista ugu danbeysa ee arrintaan.

Madxweynaha Jubbaland ayaa u muuqada mid ka foojigan dhagarta Farmaajo, wuxuuna sheegay in uusan dooneyn in uu galo heshiis jilicsann oo aan fuli doonin, wuxuuna ku an-dacooday, in dhowr mar oo kala duwan heshiisyo looga baxay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in qudhiisu uu ka caga jiidayo hishiiska ciidamo AMISOM ka tirsan lagu geynayo Garbahaarey, waana sababta uu Madoobe uga baxay shirka.

Shirkaan oo billaawgiisii is-fahan iyo isku soo dhawaasho ku billowday ayaa u muuqda inuu hadda galay wajiyadii ugu adkaa, haddi is jiidjiidku sii bato waxaa sii dheeraan kara waqtiga shirku socdo taas oo aysan Farmaajo dan ugu jirin maadaama uu isaga waqtigu ku socdo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.