Axmed Madoobe oo ka hadlay loolanka kala dhaxeeya Farmaajo

Labada hogaamiye ayaa isku haya 16-ka Kursi ee yaalla Gedo, oo lagu dooran doono magaaladda Garbahaarey.

Warar Keydmedia Online
Axmed Madoobe oo ka hadlay loolanka kala dhaxeeya Farmaajo

GAROOWE, Soomaaliya - Axmed Madoobe ayaa si kulul uga hadlay loolan siyaasadeed ee kala dhaxeeya Farmaajo, kaasoo ku biyo shubanayo dagaalka ay ugu jiraan kuraasta Xildhibaanada Gollaha Shacabka, ee yaalla Gedo.

Wuxuu sheegay Axmed Madoobe in Farmaajo uu yahay Musharax ku jira ololihiisa dib u doorashadda, islamarkaana doonaya inuu boobo kuraasta laga soo dooran doono gobolka qabiilkiisa u degan yahay ee Gedo, oo mudo 8 sano ah kasoo horjeeday maamulka Kismaayo fadhiya.

"Hadii uu qaadanayo 16-ka Kursi ee yaalla Garbahaarey, maan doorashadda faraha badan iyo xisbiyadda siyaasadeed iska deyno, oo inta dib ugu laabbo 1986-dii sameynayo Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed oo Sanduuqii Jaallaha ahaa, ee aan daloolin iyo kii baluugga ahaa maan Madaxweynaha ugu barakeyno," ayuu yiri Axmed Madoobe.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Axmed Madoobe ayaa shaaciyay inuu diyaar u yahay inuu ka tanaasulo Gedo, hadii Madaxda Maamullada kale iyaguna ka tanaasulaan hal degaan doorasho, oo kuraasta yaalla siiyaan Farmaajo.

Dhanka kale, Madaxweyne Jubbaland ayaa daboolka ka qaadey in wixii ka dambeeyay dib u doorashadiisii August 2019 ay Villa Somalia ku haysay maamulkiisa go'doomin iyo xayiraaddo shaqsi, kadib markii uu Farmaajo ka diiday inuu qaato 20 milyan oo dollar, si uu uga tanaasulo kursiga.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.