Axmed Madoobe oo ku wajahan Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ‘Madoobe’ ayaa gelinka danbe ee maanta ku wajahan Caasimadda dalka.

Warar Keydmedia Online
Axmed Madoobe oo ku wajahan Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Jubbaland oo si weyn kaga aragti duwan Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Faraamjo, ayaa la filayaa inuu ka qeyb galo shirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ee Beesha Caalamku qabanqaabisay oo ka dhacaya Magaalada Muqdisho.

Diyaarad sidday ciidanka ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa maanta ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Sida lagu xaqiijiyay war ka soo baxay Jubballand Axmed Madoobe ayaa degi doona gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxayna taasi daba socotaa codsigiisi ahaa in shirka lagu qabto goob amaan ah.

“Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo gelinka danbe maanta la filayo in uu gaaro magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu degi doonaa xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaasoo looga diyaariyay hoy.” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Jubbaland.

Amnigiisa Madoobe waxaa sugi doona Ciidamada AMISOM iyo ciidan ka mid ah kuwa gaarka ah u tababaran ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Shirka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa ka dhici doona Teendhada Afisyooni oo ahaa halkii ay ka dhacday doorashadii 8 February ee lagu doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.