Axmed Madoobe oo kulan la qaatay saraakiil AMISOM

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa kulan la qaatay saraakiil sar sare oo ka tirsan Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM

Warar Keydmedia Online
Axmed Madoobe oo kulan la qaatay saraakiil AMISOM

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa kulan la qaatay Taliyaha qeybta labaad ee howlgalka Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ee ka howlgala deegaanada Jubbaland Jeneraal Jeff Nyagah iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan howlgalka Ciidamada AMISOM.

Madaxweynaha Jubbaland iyo sarakiishan uu Taliyaha hogaaminayay ayaa kulanka kaga  hadlay howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii loo dardar galin lahaa isla markana la isaga kaashan lahaa howlgalada wadajirka ah ee lagu baacsanayo kooxda Al-Shabaab.

Degaannada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa maalmahan waxaa ka jiray dhaqdhaqaaqyo xooggan iyo dagaallo udhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo kuwa kooxda Al-Shabaab. Iyadoo degaannada qaar ay ka dhaceen dagaallo geystay khasaaro badan islamarkaana ay ku dhinteen dad kala duwan oo isugu jira shacab iyo ciidamo labada dhinac ah!

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.