Axmed Madoobe oo la kulmay Saraakiil Itoobiyaan ah

War-murtiyeedka laguma sheegin halka uu shirku ka dhacay, balse sida ka muuqata sawirka, waxaa shirka lagu qabtay Xafiiska Axmed Madoobe, ee magaaladda Kismaayo.

News Keydmedia Online
Axmed Madoobe oo la kulmay Saraakiil Itoobiyaan ah

KISMAAYO, Soomaaliya - Saraakiil Sare oo ka socday Ciidanka Difaaca Itoobiya, ayaa la kulmay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, oo ay kawada hadlaan amniga xadka iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Kulanka oo ahaa mid qarsoodi ah, ayaa waxaa ka qeyb-galay taliyeyaasha Ciidanka Jubbaland kuwa militeriga Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa ka cabsi qabta in TPLF ay ka hesho Soomaaliya meel gabaad ah, oo saldhigyo ka dhigato, maadaama awoodeeda lagu wiiqay dagaalka dalkaaasi ka socda tan iyo 2020.

Saraakiisha Ciidanka Itoobiya ayaa Axmed Madoobe ka dalbadey inuu kala shaqeeyo sidii looga hortagi lahaa weerarada Al-Shabaab iyo adkaynta amniga xadka, gaar ahaan magaaladda Dolow.

Jubbaland ayaa dhanka Gedo xad kala wadaagta Itoobiya, waxaana laga cabsi qabaa inay Al-Shabaab ka gudubto, sidaas darteeda waxuu Axmed Madoobe muhiim u noqdey Addis Ababa inay la shaqeyso.

Korneyl Assefa Mekonnen oo ah taliyaha guud ee guutada 5-aad ee Militeriga Itoobiya, ayaa sheegay in Al-shabaab ay maleegayso weeraro degaanada Jubbaland iyo dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

War-murtiyeedka laguma sheegin halka uu shirku ka dhacay iyo waqtiga la qabtay, balse sida ka muuqata sawirka, waxaa lagu qabtay Xafiiska Axmed Madoobe, ee magaaladda Kismaayo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.