Axmed Madoobe oo soo dhisay Xukuumad Cusub

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ‘Madoobe’ ayaa muddo dheer kadib ku dhawaaqay Golihiisa Wariirada.

Warar Keydmedia Online
Axmed Madoobe oo soo dhisay Xukuumad Cusub

KISMAAYO, Soomaaaliya – Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa xalay saqdii dhxe magacaabay Golihiisa Wasiiirada oo  ka kooban 23 Wasiir, 22 ku xigeyn iyo Shan wasiir Dowlo.

Soo dhisidda Xukuumaddaan oo qaadatay mudoo 20 bilood ah, ayaa si weyn kaga gaddisan middii hore, waxaana la badalay inta badan xubnihii hore, halka qaar kalana loo kala badalay Wasaaradaha.

Axmed Madooble ayaa ku soo baxay doorasho muran badan hareeyay oo dhacday sanadkii 2019, taas oo natiijada ka soo baxday ay diidday Dowladda Fadaraalka, inkastoo markii danbe Maamulka Madoobe loo aqoonsaday ku meel gaar labo sano shaqeynaya.

Magacaabidda Xukuumadaan ayaa imaaneysa, iyadoo la filayo in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, uu saacada soo aadan ka dego Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, si uu qeyb kaga noqdo shirka  wada-tashiga qaran ee 20-ka May oo maanta ah loo qorsheeyay inuu ka billowdo Tendhada Afisyooni.

KEYDMEDIA ONLNE

Commenting is not available in this channel entry.