Madoobe oo ugaarsi ku billaabay Kooxda Farmaajo

Mid ka mid ah saaxiibada aadka ugu dhow Farmaajo, ayaa maanta laga soo celshay magaalada Kismaayo, waxaana loo aaneeyaay inuu ka qeyb qaatay xaaladihii cakirnaa ee Jubbaland

Warar Keydmedia Online
Madoobe oo ugaarsi ku billaabay Kooxda Farmaajo

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, ‘Madoobe’ ayaa muujiyay in uusan hilmaamin shaqsiyaadkii falkiyay dhibaatada muddada dheer ka aloosneed maamulka Jubbaland, wuxuuna maanta amray in uusan Kismaayo cagaha dhigin Cabdi Cali Raage, oo saaxiib dhow la’ah Farmaajo.

Cabdi Cali Raage, oo ka mid ah la taliyayaasha Farmaajo, ee masuulka ka ahaa xaaladihii kala duwanaa ee Gobolka Gedo, ayaa maanta ka duulay Magaalada Muqdisho, isagoo ku wajahan magaalada Kismaaayo, hayeeshaa waxaa loo diiday inuu ka dego diyaaradda, waxaana dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho.

Raage, wuxuu u sharraxan yahay kursiga Baarlamaanka Aqalka hoose ee uu hadda ku fadhiyo Xildhibaan Xiddig oo saaxiib la’ah Axmed Madoobe.

Arrintaan ayaa muujineysa in Axmed Madoobe, isku dayi doono inuu hor istaago shaqsiyaad badan oo doonaya in ay sanadkaaan Jubbaland ka soo galaan labada aqal ee baarlamaanka.

Farmaajo ayaa Cabdi Cali Raagge, dhamaadkii bishii July 2020 u magacaabay Lataliyahiisa Arrimaha doorashooyinka iyo Siyaasadda, waxaana lagu xasuustaa isku dhiciisa isaga iyo Axmed Madaoobe ee doorashadii August 2016ki.

Bartamihii bishii May, Sii-hayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ka hor yimid qorshe laga soo maleegay xaafiiiska Maxadamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo la doonayay in Cabdi Cali Raage loo soo wareejiyo xaafiika Rooble si uu ugala shaqeeyo arrimaha doorashoyinka.

Dhanka kale qaar ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda Maamulka Puntland, ee ka trsan kooxdaa Farmaajo aya billaabay cabsho, waxayna shaki xooggan ka qabaan qorshe uu Deni u doonayo inuu uga hor tago xubnaha muxaadika ah.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 18 October 2021 14:13

Tan iyo markii ciidamada difaaca Kenya soo galeen Soomaaliya 2011-kii, dalkaas ayaa marti-galiye nugul u noqday weerarro dhimasho iyo dhaawacba leh, oo lala bartilmaameedsaday  goobo ay ku jiraan Westgate Mall iyo hoteelka DusitD2 ee Nairobi.