Axmed Diiriye “Amisom ayaan la hadalnay”

Afhayeenka odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa sheegay in ay ciidamada AMISOM ee taageera Dowlada isla markaana duqeymaha arxandarada ah ka geesta magaalada Muqdisho ay kala hadleen sidii loo baajin lahaa arintaasi.
Warar Keydmedia Online
Axmed Diiriye “Amisom ayaan la hadalnay”

"Waxaan la xiriirnay Amisom si loo joojiyo Duqeynta ay ka geestaan goobaha ay shacabka ku sugan yihiin waxay noo sheegeen in ay beegsadaan goobaha laga soo duqeeyo isla markaana aanay xabad ku ridin meel aanay iyagu xabad uga soo dhicin" sidaa waxaa yiri Axmed Diiriye oo warbaahinta la hadlay.

Dhanka kale Nabadoon Diiriye waxaa ku dalbaday dhinacyada midabka Soomaalida leh ee dagaalka ku lugta leh in ay joojiyaan dagaalka isla markaana ay wada hadlaan isagoona dhanka kale ku baaqay in la kaalmeeyo dhaawacyada liita ee ku dhibaatoobay dagaalada u dhaxeeya dhinacyada muransan.

www.keydmedia.net