Axmed Madoobe oo Itoobiya u gudbay

Muqdisho (Keydmedia) Axmed Max'ed Islaam (AXmed madoobe) oo ah hogaamiyaha koox ka dagaalanta Gobalada Jubbooyinka ayaa la sheegay inuu u talaaba dhanka Dalka Itoobiya halkaasna uu kulamo kula leeyahay Saraakiil Itoobiyaan ah.
Warar Keydmedia Online
Axmed Madoobe oo Itoobiya u gudbay

Ilo war gal ah oo lagu kalsoonyahay ayaa ku warmay in Axmed Madoobe uu la qaadan doono saraakiisha Itoobiya kulamo xasaasi ah isla markaana ujeedka ugu weyn ee wada hadalkooda ayaa la sheegay inuu yahay sidii Axmed madoobe looga garab siin lahaa dagaalka uu ka wado Jubooyinka maadaama Dowlada ay u caal la'dahay dagaalada Muqdisho.

Axmed Madoobe waxa uu xili ka tirsanaa kooxaha Dowlada ka soo horjeeda walow markii danbe ay u cuntami waayeen talaabooyinka kooxahaasi isla markaana uu garawsaday inuu ka dhan noqdo iyaga isla markaana uu dagaal la galo, waxaana taasi ay sababtay in Dowlada Itoobiya oo ka wakiil ah Maraykanka ay u gacan haatiso si howl galkiisa loo dhiira galiyo.

www.keydmedia.net