Ayax ku habsaday deegaanno ka tirsan Puntland

Ayaxa ayaa dhibaato ku haya beeraleyda Soomaaliyeed, mana helaan kaalmo dowladeed si wax loogu qabto.

Warar Keydmedia Online
Ayax ku habsaday deegaanno ka tirsan Puntland

Deegaanno ka tirsan dowlad goboleedka Puntland ayaa lagu soo waramayaa in uu ku habsaday Ayax badan, kaasi oo waxyeello u geystay beero badan oo ku yaalla deegaanno dhowr ah.

Deegaanno ku yaalla gobollada Bari iyo Nugaal ayaa la xqiijiyey in Ayaxu uu ku habsaday, kuna socdo deegaanno kale.

Sidoo kale, waxa uu cagta mariyey dalagyo badan, iyadoo la sheegayo inuu kusii wajahan yahay deegaanno kale oo beeruhu ku badan yihiin.

Beeraleyda uu saameeyey Ayaxan ayaa durba bilaabay qeylo dhaan, si ay gurmad uga helaan maamulka Puntland.

Ayaxa ayaa kusoo noq-noqday Soomaaliya, iyadoo haydda FOA ay DFS siisay Labo diyaarad oo Helicopter ah si loogula dagaallamo Anyaxa.

Sanad walbo marka ay beeraleyda isku diyaariso soo goosashada dalagyadii ay beerteen ayeey la kulmaan anyax kasoo kicitimay dalalka deriska ah.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.