Baaq ka soo baxay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa hoggaamiyayaasha Soomaaliya ugu baaqay  inay si deg deg ah dib ugu bilaabaan wadada-hadallada si looga heshiiyo khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka.

Warar Keydmedia Online
Baaq ka soo baxay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay

MUQDISHO, Soomaaliya - Bayaan ay si wadajir ah u ansixiyeen, 15-ka waddan ee Golaha Amaanka Qaranka ayay Madaxda Soomaalida ugu baaqeen inay si deg-deg ah dib ugu bilaabaan wadada-hadallada wadajirna uga shaqeeyaan, iyadoo la eegayo danaha dadka Soomaaliyeed.

War saxaafadeedkan ayaa hogaamiyaasha laagu sheegay in ay gaaraan heshiis la isku raacsan yahay oo ku saabsan qabanqaabada qabashada doorashooyin loo dhanyahay, waxaana lagu armay in si dag dag ah loo qabto doorashooyinka.

Britain ayaa ku baaqday kulanka ay albaabadu u xirnaayeen maalin kadib markii Dowlada dhexe ee Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ay ku fashilmeen qabashada doorashooyinka dalka.

Mucaaradka ayaa sheegay in aysan aqoonsaneyn awoodda Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Farmaajo, taas oo sii murjineysa dhibaatada ka jirta qaran wajahaya falalka amni darro ee Kooxda AL-Shabaab, duulaanka Ayaxa iyo cunno yari baahsan.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka Ned Price ayaa sidoo kale ka digay dib u dhac kale oo ku yimaada ka heshiinta doorashada taas oo kordhin karta halista xasilooni darrada.

"In kasta oo tani ay tahay arrin loo baahan yahay in Soomaalidu xalliso, haddana Mareykanka wuxuu u arkaa in qabashada doorashooyinka deg-degga ah ay muhiim u yihiin mustaqbalka Soomaaliya," ayuu yiri Price.

Golaha Ammaanku wuxuu kaloo cambaareeyay rabshadaha ka soo cusboonaaday kooxda Al-Shabaab waxayna mar kale xaqiijiyeen inay taageersan yihiin midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Golaha Amniga ayaa mar kale kulmi doona 22-ka Febraayo si ay u cusbooneysiiyaan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.