Baaqyo nabadeed oo laga soo saaray dagaalka Guriceel

Waxaa maalintii labaad galay dagaalka Guriceel, iyadoo waxgaradkuna ay ku  baaqayaan in la dajiyo xiisadda colaadda oogan.

Warar Keydmedia Online
Baaqyo nabadeed oo laga soo saaray dagaalka Guriceel

GURICEEL, Soomaaliya - Qaar ka mid ah waxgaradka ka soo jeeda degaannada Galmudug ee ku sugan gudaha Muqdisho, ayaa ku baaqay in la damiyo colaadda ka oogan Guriceel.

Waxgaradka ayaa labada dhinac ee ay dirirtu u dhaxeyso kula taliyey in ay nabada qaataan, isla markaana la hakiyo dhiiga dhalinyarada Soomaaliyeeed ee sida macno darrada ah ku daadanaya.

Waxgaradkan ayaa sheegay in ay xiriir la sameeyeen Madaxweynaha Galmudug iyo Hoggaamiyaha Ahlu Sunna Sheekh Shaakir, kuwaa oo sida ay sheegeen ay ku rajo weyn yihiin in ay codsigooda tixgalinayaan.

Dagaalka Guriceel ayaa galay maalintiisii labaad, waxana maanta xooggiisu uu ka dhacay waqooyiga degmadaasi, kadib markii ay burburta xabbad-joojin labo saac ahayd.

Ilaa iyo iminka dagaalka guriceel ka socda waxaa ku geeriyooday in ka badan 30 ruux oo u badan dhinacyadii dagaalamayey, iyadoo dhaawacyaduna ay kor u dhaafayaan 50 ruux.

Madaxweynaha Galmudug, Qoorqor, ayaa hore loogu eedeeyay inuu doortay jidka dagaalka, halka Kooxda diimeedka hubeysan ee SUFA, ay si cad odayaasha degaanka uga diidideen in ay ka baxaan magaalada, si labada dhinac la isugu geeyo miiska wada-hadalka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 December 2021 18:32

Boobkii doorashada ee sababay dilkii MW Soomaaliya iyo isku dhajintii xukunka ee keentay burburka dalka ayuu Farmaajo dib u soo celiyay, wuxuu diiddan yahay banneynta xaafiiska iyo hirgalinta doorasho xalaal ah.