Baarista kiiska Ikraan oo ku xiran magacaabidda taliyaha NISA

Xildhibaan Aamino oo ka mid ah, shaqsiyaadka sida weyn ugu fara-adeegay kiiska Ikraan Tahliil, ayaa Farmaajo iyo Rooble, ugu baaqday in ay degdeg u magacaabaan agaasimaha NISA.

Warar Keydmedia Online
Baarista kiiska Ikraan oo ku xiran magacaabidda taliyaha NISA

MUQDISHO, Soomaaliya - Aamino Maxamed Cabdi, oo ka mid ahayd Baarlamaankii 10-aad ee dhawaan waqtigu ka dhamaaday, isla-markaana qeyb ka ah shaqsiyaadka sida weyn ugu dooda in caddaalad loo helo Kiiska Ikraan Tahliil Faarax, ayaa ku baaqday in la dedejiyo magacaabidda Taliyaha NISA, si hore loogu dhaqaajiyo kiiska.

Xildhibaan Aamino, waxa ay sheegtay in aan caddalad loo heli karin Ikraan, inta laga soo magacaabayo Agaasimaha Hay’adda, waxayna bogaadisay heshiiska hoggaanka NISA la xariira ee xalay lagu saxiixay Madaxtooyada.

“Waxaan aminsanahay in aan la heli karin baaritan dhab ah oo lagu kalsoonaan karo oo ku aaddan kiiska Ikraan Tahliil Faarax, ilaa inta laga soo magacaabayo taliyaha rasmiga ah ee hay’ada sirdoonka qaranka ee NISA, waxa aan  codsanaynaa in si degdag ah loo soo magacaabo taliyaha Hay’adda NISA”. Ayay tiri Aamino.

Waxay si weyn ugu mahad celisay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo sheegtay inuu muujiyay dadaal dheeri ah, dhabar adayg iyo hufnaan, xilli dalku xaalad adag kujiro.

Si loo anba qaado dhabaha caddaalad u raadinta Ikraan, loona madax banneeyo hay’adaha garsoorka gaar ahaan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, waa in la helo hoggaan Nabad sugid oo rasmi ah”. Ayay tiri Xildhamaab Aamino.

Kadib wadahadallo uu Lafta-Gareen dhex-dhexaadiyay, Farmaajo iyo Rooble ayaa gaarey heshiis cusub oo ay kusoo afjarayaan khilaafkii u dhaxeeyay.

Waxay ku heshiiyeen in C/llaahi Maxamed Nuur uu sii ahaado Wasiirka Amniga, in Yaasiin Farey uu sii hogaamiyo NISA inta taliye looga soo magacaabayo iyo in Kiiska Ikraan loo daayo Maxkamadaha.

Ikraan Tahliil Faarax oo ka shaqeyneysay Hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka, ayaa markii dad ugu dambeysay lagu arkay muuqaal ay duubtay CCTV iyadoo gurigeeda ka baxday 26-ka bishii June Sanadkan, markaas oo xili habeen ah abaare 8:00 pm gaari Toyota Hulux ah lagu qaadey, kaasoo aaday dhaka Godka Jilicow.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 December 2021 18:32

Boobkii doorashada ee sababay dilkii MW Soomaaliya iyo isku dhajintii xukunka ee keentay burburka dalka ayuu Farmaajo dib u soo celiyay, wuxuu diiddan yahay banneynta xaafiiska iyo hirgalinta doorasho xalaal ah.