Baaritaano ka socda Dharkeynley iyo Waabari

Keydmedia (Muqdisho) Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada KMG ah Soomaaliya gaar ahaan Booliska ayaa saakay howl gal baaritaana ah waxa ay ka bilaabeen degmooyinka Waabari iyo dharkeyley oo ka mid ah goobaha Dowlada ay gacanta ku heyso.
Warar Keydmedia Online
Baaritaano ka socda Dharkeynley iyo Waabari

Waxaa lagu arkayaa gudaha degmooyinkaasi ciidamo koox koox u socda kuwaas uu guryaha u galaya Guri guri isla markaana baaraya, waxaana ka sakow guryaha ay ciidamada indha gaara ku hayaan dhaq dhaqaaqa dadka maraya wadooyinka degmooyinkaasi.

Inkastoo saraakiisha Booliska aanay ka hadlin arinkan ayaa hadana hadal heynta dadka waxa ay u badantahay in ciidamada ay si weyn uga cabsi qabaan qarxyo degmooyinkaasi caadi ka ahaa isla markaana lala eegan jiray xili walba.

 www.keydmedia.net