Baarlamaaka oo ka Dooday Warqad uga Timid Raisul Wasaaraha

Muqdisho (KON) - Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta Dood Kulul ka yeeshay Warqad uu Raiisul wasaare C/wali Sh Axmed uu ugudbiyey Afhayeenka Baarlamaanka Max’ed Cisman Jawaari.
Warar Keydmedia Online
Baarlamaaka oo ka Dooday Warqad uga Timid Raisul Wasaaraha

Warqada ayaa aheyd in R/wasaaraha Soomaalia ay Baarlamaanka siiyaan Mudo Toban maalin ah si uu u sii dhameeystiro Wadatashiyada uu la leeyahay Bulshada Qeybaheeda Kala Duwan.

Baarlamaanka ayaa Maanta ka dooday ka timid Raiisul Wasaaraha. Gudoonka Baarlamaanka oo ahaa Max’ed Cismaan Jawaari ayaa ku dhawaaqay in ay Xildhibaanada ay Cod u qaadaan Mudada uu R/wasaarah Baarlamanka ka dalbaday in la siiyo.

Intaa kadib ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxaa ay guda galeen in ay Codka u qaadaan Warqada ka timid Raiisulwasaaraha Soomalia.

Ilaa iyo 142 Xildhibaan ayaa ogolaatay in Mudada Tobanka Maalin ah la siiyo Raiisul Wasaaraha Soomaalia si uu u soo dhiso Golaha Wasiirada Cusub, waxaana sidoo kale Diiday 3 Mudane, ayadoona ay jireen Tiro kale oo ka aamustay.

Gudoonka Baarlamanka Max’ed Cismaan Jawaari ayaa Codeenta ka dib ku dhawaaqay in mudo Toban maalin ah R/wasaaraha Soomaalia ay Baarlamaanka Siiyeen si uu u soo magacaabo Wasiiro Tayo leh.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho