Baarlamaanka Cusub iyo kulankiisa ugu horeeya [Maxaa laga filayaa?]

Kulankan ayaa ah midkii ugu horeyay oo ay isagu imaanayaan Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka 11aad, kaasoo Khamiistii lagu dhaariyay Muqdisho.

News Keydmedia Online
Baarlamaanka Cusub iyo kulankiisa ugu horeeya [Maxaa laga filayaa?]

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa goor dhow furmay kulankii ugu horeeyay ee Baarlamnanka 11-aad oo Khamiistii lagu dhaariyay Muqdisho, iyadoo ay maqan yihiin Xildhibaano aan wali la dooran.

Kulanka Maanta ayaa ah mid diirada lagu saarayo Ansixinta Ajendaha, Dhaarinta Xildhibaano, Hadal-jeedinta Guddoomiyaha KMG ah Xil.Cabdisalaam Axmed Liibaan, Qeybinta Dastuurka, Qeybinta Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka, Qeybinta habraac kumeel gaar ah ee kala guurka Baarlamanka 10-aad iyo baarlamanka 11aad iyo xeer hoosaadka u gaar ah doorashooyinka Guddomiyaha Golaha Shacabka Iyo Aqalka Sare ee Baarlamanka Federalka Soomaliya iyo Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa xili hore iska xadiriyay xarunta, iyadoo Saxaafadda loo ogolaadey inay gudaha kasoo waranto, waxaana tani noqonaysaa waa cusub oo u beryay Soomaaliya, maadaama in ka badan hal sano jahwareer iyo firaaq dastuuri ah kusoo jirtay.

Waxaa la filayaa in lasoo dhameystiro kuraasta dhiman, oo ugu horeeyaan kuwa yaalla Garabahaarey, oo loo wareejiyay Ceel-Waaq, kadib markii FEIT go'aan ka gaartay caqabadii ka taagnayd.

Soomaaliya ayaa la filayaa inay kahor May yeelanayo Gudoonk Baarlamaan, waxaana xigaya doorashadda Madaxweynaha oo iyada aan la ogeyn waqtigeeda, maadaama aan la saadaalin karin xaaladda, oo mar walba Farmaajo iyo kooxdiisa wax maleegayaan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.