Baarlamaanka oo mudo kordhin sharci darro ah sameystay

Mid kamid ah Xildhibaannada oo u waramay Keydmedia Online, kana gaabsaday in magaciisa aan xusno ayaa waxuu qabaa in tani ay tahay mudo kordhin dadban.

Warar Keydmedia Online
Baarlamaanka oo mudo kordhin sharci darro ah sameystay

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaannada Gollaha Shacabka ee Waqtigoodu dhacay bil kahor, ayaa hal sano loogu daray, iyadoo loo cusbooneysiiyay kaararka aqoonsiga ID cards.

Keydmedia Online oo aragtay kaararkaasi qaar ka mid ah ayaa waxaa u qornaa inuu dhacayo 31/12/2021, taasoo dhigan in uu Baarlamaanka sameystay mudo kordhin hal sano ah, una ogolaanaysa Farmaajo kursiga inuu isna kusii fadhiyo sanad kale.

Mid kamid ah Xildhibaannada oo u waramay Keydmedia Online, kana gaabsaday in magaciisa aan xusno ayaa waxuu qabaa in tani ay tahay mudo kordhin dadban.

Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka waxuu waqtigoodu dhacay 27-kii bishii December 2020, waxaana lagu jiraa xilli adag oo doorashadii la filayay inay dhacdo 4 sano kadib Farmaajo diiday.

Mursal ayaa go'aankan gaarey si sharci darro ah, oo weliba qarsoodi ah, iyadoo tallaabadan ay sii adkayn doonto dedaallada la doonayo in xal looga gaaro muranka doorashadda dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.