Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan yeelanaya

Xildhibaanada Gollaha Shacabka ayaa labo todobaad kadib maanta kulan ku yeelanaya xaruntooda Villa Hargeysa ee Muqdisho. 

Warar Keydmedia Online
Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan yeelanaya

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah kulan ku yeelanaya xaruntooda ku meel gaarka ah ee Villa Hargeysa.

Ajandayaasha kulanka maanta ayaa waxaa ay kala yihiin Akhrinta 1-aad ee Hindise sharciyeedka adeegyada baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed & Akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka hay’adda socdaalka iyo Jinsayadaga.

Dhamaan xildhibaanada ayaa xalay fariimo loo djray, waxaana lagu war geliyay in ay kulanka maanta soo wada xaadiraan.

Xildhibaanada ayaanan wax kulama ah yeelan labadii todobaad ee la soo dhaafay, ilaa haddana lama shaacin sababta ka dambeyso baaqashada fadhiyada joogtada ah ee Gollaha Shacabka. 

KEYDMEDIA ONLINE 

    Commenting is not available in this channel entry.