Baarlamaanka oo Ansixiyey Miisaaniyada Dowladda

Muqdisho (KON) - Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Gor dhaw meel mariyey Miisaaniyada Dowladda ee 2014, oo maanta Baarlamaanka ay Cod u qaadeen.
Warar Keydmedia Online
Baarlamaanka oo Ansixiyey Miisaaniyada Dowladda

Fadhiga Baarlamaanka ayaa waxaa soo Xaadiray 172 Xildhibaan,waxaana ogolaatay in Miisaaniyada la Meel-mariyo 162 Mudane.ayadoona ay Diideen ilaa 7 Xildhibaan,waxaana sidoo kale ka Aamusay Saddex Xildhibaan.

Gudoomiye Xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Jeylaani Nuur ikar ayaa sheegay in Miisaaniyada Dowladda ay Meel martahay, kadib Codeeyn loo qaaday.

Waxaa sidoo kale Ansixinta Miisaaniyada Dowladda Soomaaliya ee Sanadka 2014 ka mahadceliyey Wasiir Dowlahha Wasaarada Maaliyada C/laahi Axmed Nuur.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ilaa Bartamihii bishii April ku howlanaa Dood iyo Falanqeyn ku saabsan Ansixinta Miisaaniyada Dowladda Soomaaliya.

Keydmedia Online – Xafiiska Muqdisho