Baarlamaanka oo ku dagaalamay daryeelka shacabka

MUQDISHO(KEYDMDIA) Xildhibaanada Baarlamaanka KMG ah ayaa isku maandhaafay taageerada dadka Soomaaliyeed ee abaaraha ay ku saameeyeen gudaha dalka
Warar Keydmedia Online
Baarlamaanka oo ku dagaalamay daryeelka shacabka

Ismaandhaafkan ayaa ka danbeeyay kadib markii qaar ka mid ah xildhibaanada kulankoodii shalay ay ku taliyeen in mushaaraadka Baarlamaanka laga jaro qarashaad lagu taageerayo dadka aabaraha ay saameeyeen.

Xildhibaan Shido oo ka mid ah xildhibaanada ayaa codsi ahaan ugu soo jeediyay baarlamaanka in loo istaago daryeelka shacabka maadaama xildhibaanada ay sheegtaan in ay matalaan shacabka, laakiin waxaa arinkaasi ku gacan seeray xildhibaan Cali ganey oo sheegay inaan loo baahneyn in been leysu sheego isagoo hoosta ka xariiqay in xildhibaanada aaanay mushaar qaadan balse guno ay helaan.

Sidoo kale Xildhibaan Waqaa oo ka tirsan xildhibaanada ayaa isagana dalbaday in marka gacanta UNDP ay ka soo dhacaan xoogaaga gunada ah mar walba loo jaro dadka dhiban ee Soomaaliyeed min $100 laakiin xildhibaano badan ayaa arinkaasi guux ka muujiyay.

Inta badan xildhibaanada waxa ay ku raali noqdaan in qarashaad badan ay ku bixiyaan waxyaabo aan macana badan laheyn taas badalkeedna waxa ay ka madax adeegaan daryeelka shacabka Dhibaateysan.

www.keydmedia.net