Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Kulanka oo ah mid aad xasaasi u ah ayaa la filayaa in ay Baarlamaanka hortagto saakay xukuumadda KMG ah ee uu hogaamiyo Cumar C/rashiid Cali, waxaana arinkani uu ka danbeeyay kadib markii shalay mooshin ku aadan xukuumadda la hor geeyaya Baarlamaanka isla markaana xukuumada ay aqabashay hortagista Baarlamaanka.
Saacadihii la soo dhaafayna xarumaha Dowlada iyo Hoteelada waaweyn ee Magaalada Muqdisho waxaa laga dareemayay dhaq dhaqaaq aad u xoogan oo u jeedkiisa uu ahaa sidii xukuumadda loo taageeri lahaa isla markaana aan xilka looga tuuri laheyn.
Madaxweynaha oo shalay Baarlamaanka qodbad u jeediyayna waxa uu ka dalbaday mudanayaasha in ay u istaagaan sidii ay u sameyn lahaayeen isbadal daruuri ah taasoo uu ula jeeday in xukuumadda meesha laga saaro.
www.keydmedia.net
Add comment
Comments