Baarlamaanka Soomaaliya Oo Diiday Miisaaniyada Maaliyada ee 2013

Muqdisho (KON) Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliaya ayaa gabi ahaanba kasoo horjeestay inay ansixiyaan miisaaniyada xukuumadda ee sanadka 2013-ka.
Warar Keydmedia Online
Baarlamaanka Soomaaliya Oo Diiday Miisaaniyada Maaliyada ee 2013

Inkastoo kulanka Baarlamaanka Soomaaliya ay ku lahaayeen xarunta Golaha shacabka ee magaalada Muqdisho uu goordhaweyd soo dhamaaday ayaa xubnaha Baarlamaanka ay kasoo horjeesteen miisaaniyada Xukuumadda 2013.

Fadhiga maanta ayaa waxaa kasoo qeybgalay 164 halka 71-Xildhibaan ay diideen miisaaniyada in la ansixiyo sidoo kalena 54-Xildhibaan ay oglaadeen 39-Xildhibaana ay maqnaayeen midna uu ka aamusay.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in miisaaniyada Xukuumadda Soomaaliya muddo hal bil ah dib loo dhigayo islamarkaana uusan jiri doonin fasax ay qaataan Xildhibaanada Baarlamaanka.

Wasiirka maaliyada Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku sugnaa madasha Baarlamaanka Soomaaliya xilliga Xildhibaanda ay diidayeen Miisaaniyada Xukuumadda.

Maalmahan dambe ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxa ay si aad ah uga doodayeen miisaaniyada Xukuumadda Somaaliya ee sanadka 2013-ka iyadoo ugu dambeyn maanta ay kasoo horjeesteen.

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho