Baarlamaanka: waan u afduubanahay Hogaamiye kooxeed Shariif Xasan

MUQDISHO(KEYDMEDIA) xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka KMG ah oo maanta ku shiray magaalada Muqdisho ayaa waxa ay qireen in xildhibaanada xiligan ay yihiin kuwa u qafaalan hogaamiye kooxeedka cusub Shariif Xasan Shiikh Aadan
Warar Keydmedia Online
Baarlamaanka: waan u afduubanahay Hogaamiye kooxeed Shariif Xasan

“Baarlamaanka waxa uu u afduubanyahay Shariif Xasan, mana u sii dulqaadan doona inaan xero ugu xirnaano, wax walba oo ay xildhibaanada doonaan waa uu diidaa wuxuu doonana waa uu fushadaa marka waa inaan ka dhiidhinaa arintaas” sidaa waxaa yiri xildhibaan Ismaaciil Axmed Nuur oo ka tirsanaa xildhibaano 100 ah oo maanta ku shiray Muqdisho.

Xildhibaanadan ayaa waxa ay carrabka ku adkeeyeen in gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka oo hadda ah hogaamiye kooxeedka 2011 uu ka wado gudaha Baarlaamka dhibaato iyo qas isagoona go’aana guracan ku saxiixa kuna fuliyo gurigiisa dhexdiisa tiyoo xildhibaanada ay joogaan Muqdisho.

Ku tirsanayaasha baarlamaanka ayaa hadda u muuqda kuwa fahmay qiyaanada iyo lug-gooyada shariif Xasan waxaana ay muujinayaan wadani nimo aan xoog badneyn.

WWW.KEYDMEDIA.NET




Warar 20 February 2021 1:45

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in dad gaaraya 20 qof ay ku dhimatay dagaalka Muqdisho, inkastoo macluumadka ay Keydmedia Online haleysa sheegaya in ku dhawaad 60 qof ay ku dhinteen.