Taaliye Saadaq John oo is hortaagay fadhigii Baarlamanka
Baarlamanka ay ku mideysan yihiin waddamada Carabta oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay ayaa si aada u cambaareeyay qaraxii ka dhacay Muqdisho Jimcihii ina dhaafay.
MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Baarlamaanka Jaamacada Carabta Adel Bin Abdulrahman Al-Asoumi ayaa si kulul u canbaareeyay qaraxii habeen ka hor ka dhacay maqaayadda Luul Yemeni ee magaalada Muqdisho
Gudoomiyaha ayaa muujiyay diidmadiisa adag ee ka dhanka ah dhammaan falalka lala beegsanayo rayidka kuwaas oo ka hor imaanaya dhammaan qawaaniinta caalamiga ah islamarkaana halis ku ah amaanka iyo xasiloonida. Gudoomiyahu wuxuu adkeeyay hiilka iyo isgarab taagga buuxa oo baarlamaanka carabtu u hayo soomaaliya uuna taageersan yahay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Kooxda Al-Shabaab ayaa qarax la beegsatay markii labaad maqaaxi ku taal degmada Xamar-Jajab ee magaalada Muqdisho 5 -tii Maarso oo ahayd maalin Jimca ah, waxaana qaraxaasi ku geegiyooday in ka badan 20 ruux, sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay tiro intaa ka badan, iyadoo qasaaro ba'an uu soo gaaray dhismayaashii ku dhawaa goobta qaraxa lala eegtay ee maqaaxida dadka badani ka cunteynayeen.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments