Baarlamanka oo ansixiyay heshiiska doorashadda

Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa qeyb ku lahaan doono hanaanka soo xuliska Xildhibaanada Baarlamanka cusub, iyagoo magacaabaya xubnaha gudiga isku dhafka ee doorashadda.

Warar Keydmedia Online
Baarlamanka oo ansixiyay heshiiska doorashadda

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada labada aqalka ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta u codeeyay heshiiska doorashadda ay dhawaan Muqdisho ku kala saxiixdeen Farmaajo iyo madaxda Maamul Goboleedyada dalka.

Gudoonka BF ayaa shaaciyay in 252 Xildhibaan ay ansixseen heshiiska, 1 ayaa ka aamusey, 2 mudane waa ay diidey Heshiiska, sidaasuu dalku ku aadayo Doorashado.

Kulanka ayaa waxaa si wadajir ah u gudoomiyay labada gudoonka labada aqalka, iyadoo uu ka dhacay xarunta Villa Hargeysa, oo gudaha Madaxtooyadda ku taalla, waxaana la sheegay in Farmaajo uu kaalin ku lahaa ansixinta heshiiska.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.