Baarlamanka oo laalay Sharci ay horay u ansixiyeen

Golaha Shacabka BJFS ayaa laalay sharci uu horay u ansixiyay kaasoo muddo laba sano ah loogu kordhiyay hay'adaha dowladda Soomaaliya, waxa uuna taageeray soo jeedintii Farmaajo ee ahayd in lagu laabto heshiiskii 17 -ka September

Warar Keydmedia Online
Baarlamanka oo laalay Sharci ay horay u ansixiyeen

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Shacabka BJFS ayaa shir kii ay yeesheen maanta ee uu horay u codsaday madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo ku go’aansaday in ay dib uceliyaan sharcigii ay horay u ansixiyeen kaasoo ahaa muddo kordhin laba sano ah.

Xildhibaanada ayaa dhageystay khudbada madaxweynaha isagoo ka codsaday in dib loo celiyo heshiiskii 12 April lagu ansaxiyay xarunta KMG ee Golaha Shacabka BJFS.  waxaa jiray xildhibaano badan oo aaminsanaa in aan la laalin sharcigii doorashada ee la ansixiyay hayeeshee ugu dambeyntii waxaa la qaatay soo jeedinta madaxweyne Farmaajo oo u muuqda inuu kasoo dabcay sidii hore.

140 Xildhibaan oo kalfadhiga soo xaadiray ayaa dhammaantood u codeysay in dib loogu laabto go'aankii hore iyo heshiiskii 17 -ka September. Waxaana qaatay doorkii doorashada iyo amniga RW Rooble oo la filayo in uu iclaamiyo shirkii doorashada lagu aadi lahaa si loo saxiixo heshiiskii September.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].