Baarlamanka Galmudug oo Ansixiyay Wasiirrada dhawaan la Magacaabay

Galkacyo (KON) - Xubnaha Barlamaanka Galmudug ayaa Maantay ansixiyay Xubnaha Golaha Wasiirrada Cusub ee Maamulka Galmudug ee dhawaan soo magacaabay.
Warar Keydmedia Online
Baarlamanka Galmudug oo Ansixiyay Wasiirrada dhawaan la Magacaabay

Golaha Baarkamanka ee Maamulka Galmudug ayaa kulan ay ku yeesheen Xaruntooda Gaalkacyo ku ansixiyay qaar ka mid ah xubnaha Golaha wasiirrada ee maamul goboleedkaaasi,  kuwaas oo isugu jiray Wasiirro cusub iyo kuwo Xilalkooda loo kala wareejiyay, kadib markii C/Qeybdiid M/weynaha Maamulkaasi uu isku shaandheyn ku sameeyay G/Wasiirada horraanti bishii aynu soo dhaafnay.

Guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug Xasan Heyl ayaa ka Warbixiyey kulankii waxuuna sheegay Muhimnimada ay leedahay ansixinta Golaha Wasiirrada Cusub, iyo waliba guddiyo loo saaray la dagaalanka Burcad Badeedda.

Keydmedia.net