Baarlamanka oo meelmariyay Miisaaniyada Maaliyada ee 2013

Muqdisho (KON) - Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay Miisaaniyada Sanadka 2013.
Warar Keydmedia Online
Baarlamanka oo meelmariyay Miisaaniyada Maaliyada ee 2013

Kadib kulan ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen xubnaha Baarlamanka Soomaaliya ayaa Xildhibaanada ay ku meel mariyeen miisaaniyada sanadka ee Xukuumadda.

Kulanka baarlamaanka ayaa waxaa soo xaadiray Xildhibaano gaaraya 177-waxaana ansixiyay miisaaniyada Xukuumadda 176-iyadoo hal xildhibaan kaliya uu ka aamusay.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdala Cawad ayaa ku dhawaaqay natiijada ansixinta miisaaniyada sanadka ee Xukuumadda Soomaaliya.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho