Baasto “QM Seddex bilood baan u qabanay”

Afhayeenka Maamulka Koonfurta Galkacyo Axmed Max'ed Basto oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in QM ay u qabteen mudo Seddex bilood ah si xafiisyo ay uga furato Koonfurta Galkacyo.
Warar Keydmedia Online
Baasto “QM Seddex bilood baan u qabanay”

"Waan kulanay u qeebsanaha arimaha Gar gaarka QM, kadib markii uu booqasho noogu yimid, waana u sheegnay in aanan ku raali noqon doonin in koonfurta galkacayo holwa ay ka qabtaan iyaga oo aan wax xafiis ah ku laheyn" sidaa waxaa yiri Axmed Basto.

Shalay ayeey aheyd markii kulan albaabada ay u xiran yihiin ay ku qaateen gudaha Magaalada Galkacyo gaar ahaan dhanka Koonfureed Maamul deegaameedkaasi iyo u qeebsanaha gar gaarka ee QM .

waxaan ilaa iyo hada si hufan loo saadaalin karin Talaabada ay QM ka qaadaneyso arinkaasi, iyadoona hey'adaha QM ee ka  shaqeeya Dalka ay yihiin kuwa iyagu aan nidaam daacadi ku jirto howlahooda ku fuliya .

www.keydmedia.net