Bakaaro iyo Toogasho

Muqdisho (Keydmedia) Wararka aynu ka heleyno gudaha Suuqa Bakaaraha ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay nin marayay gudaha Suuqaasi.
Warar Keydmedia Online
Bakaaro iyo Toogasho

Falka dilka ah ayaa ka dhacay wadad labaad ee Suuqa Bakaaraha waxaana la sheegay ninka in ay dileen kooxa ku hubeysan bastoolada oo aan la aqoon cida ay sida tooska ah uga amar qaataan walow halkaasi ay si wada jir ah uga taliyaan dhinacyada Dowlada ka soo horjeeda.

Dad ku sugan gudaha Suuqa Bakaaraha ayaa u sheegay Keydmedia.net in ninka la dilay uu da'dhexaad ahaa isla markaana aan la aqoonsan magaciisa iyo halka uu ka yimid, waxaana  meydkiisa loo qaaday dhanka Masaajidka Abuuhureera oo ah Masaajid ay ku badanyihiin dhinacyada la dagaalama Dowlada.

Dilalka qorsheysan ee ka dhaca gudaha suuqa Bakaaraha ayaa waxa ay yihiin kuwa inta badan soo noqnoqda iyadoona xiliyada qaar dadka Suuqa lagu dilo ay noqdaan kuwa lagu qaldoomo oo aan bartilmaameed aheyn, waxaana talaabooyinka noocaas ah nolashooda ku waayay dad badan oo Soomaaliyeed.

keydmedia.net