Baladweyne oo Baqaaro lala wareegay

keydmedia (Muqdisho) Wararka laga helayo Magaalada Baladweyne ee Gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in kooxaha halkaasi ka taliya ay maanta la wareegeen furayaasha baqaaro halkaasi ku yaalay.
Warar Keydmedia Online
Baladweyne oo Baqaaro lala wareegay

Baqaarada furayaashooda lala wareegay ayaa tiradooda waxa ay gaareysaa ilaa 30 baqaar oo ay ku jireen raashiin ay laheyd WFP looguna tala galay shacabka halkaasi ku nool.

Inkastoo Maamulka uu la wareegay furayaasha baqaarada ayaa hadana waxaa xusid mudan in aanu sheegin talaabada ay doonayaan in ay ka qaataan raashiinkaasi ay WFP xareysatay.

Baqaaro iyo maqaasiino waa weyn oo ku yaala magaalooyin kale duwan oo Dalka ah ayaa sidan oo kale waxaa ku xareysan raashiin loogu tala galay gargaar misna aan la gaarsiin dadkii mudnaa.

www.keydmedia.net