Bam lagu tuuray Saldhiga afar irdood

Keydmedia( Muqdisho) Waxaa xalay kooxa aan la aqoonsan ay Bam gacmeed ku tuureen Saldhiga Afar irdood ee Degmada Xamar-weyne oo hada fariisin u ah Ciidamo Boolis ah oo ka tirsan kuwa Dowlada
Warar Keydmedia Online
Bam lagu tuuray Saldhiga afar irdood

Bam gacmeedka iyo tacshiirad ka danbeysay ayaa sababtay geerida hal wiil iyadoona ay ku dhaawacmeen laba kale oo dhamaantood shacab ah, walow aan si dhab ah loo ogeyn qasaaraha gaaray ciidamada Dowlaa ee la bartilmaameedsaday.

kadib qaraxa ayaa ciidamada waxa ay halkaasi ka sameeyeen howl galo lagu qabqabtay dad rayid ah kuwaa oo la taxaabay dhanka Saldhiga qaraxa lala eegtay ee Afar-irdood.

Inta badan goobaha ay fariisimaha ku leeyihiin ciidamada Dowlada iyo wadooyinka ay adeegsadaan ayaa sidan oo kale waxaa ka dhaca qaraxyo ceynkan oo kale ah oo sababo qasaaro rayidka gaara.

www.keydmedia.net