Bambooyin Xalay Lagu Weeraray Saldhiga Degmada Afgooye

Afgooye (KON)- Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobbolka Shabeellaha Hoose kooxo aan lagaraneynin ayaa xalay qaraxyo Bambaanooyin ah ku weeraray saldhiga degmada Afgooye ee gobbolka Shabeellaha Hoose, ayadoo khasaaraha weerarkaasina ay warar kala duwan ka soo baxayaan.
Warar Keydmedia Online
Bambooyin Xalay Lagu Weeraray Saldhiga Degmada Afgooye

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in qaraxyadaan ay dhaliyeen khasaare soo gaaray askar Dowladda Soomaaliya ka tirsan kuwaasoo ku sugnaa saldhiga la weeraray, waxaana ilaa hadda la sheegay in 2 askari ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen.

Qaraxyada kadib Ciidamada Dowladdu waxay sameeyeen howlgallo ballaaran oo ay ku soo qabteen inka badan 20 qof oo hadda ku xiran saldhiga Afgooye.

Sikastaba, dhowaan ayay ahayd markii qof isa soo miidaamiyay uu isku qarxiyay afafka hore ee Kontroolka Baar-ismaaciil ee Afgooye halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho