Banaabax maalintii 18aad ka socda afaafka Villa Somalia

AMISOM ayaa si arxan darro ah u dishay 7 qof, oo shacab ahaa, kuwaasoo dilkooda u adeegsatay qarax miino.

Warar Keydmedia Online
Banaabax maalintii 18aad ka socda afaafka Villa Somalia

MUQDISHO, Soomaaliya - Boqolaal qof, oo rag iyo dumar isagu jira ayaa maalintii 18aad banaanbax ka dhan ah AMISOM ka dhigay maanta magaaladda Muqdisho.

Dadkan ayaa iyagoo careysan isagu soo baxay taaladda Daljirka Dahsoon, oo ku dhaw Villa Somalia, iyagoo dalbanaya cadaalad inay helaan 7 qof oo shacab ah oo AMISOM ku dishay 10-kii bishan duleedka degaanka Golweyn, ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxay sheegeen banaanbaxayaasha in meydadka wali ay ku jiraan Firinjeerka Isbitaalka Digfeer, oo aan la aasin, maadaama kuwii dilay aan cadaaladda lahor keenin.

Askarta Uganda ayaa dishay shacabka, waxaana la sheegay in AMISOM ay ku gacan-seyrtay dalabka inay mas'uuliyadda, islamarkaana ka bixiso raaligelin iyo magdhaw.

Dadka la dilay waxay AMISOM ku tilmaantay argagaxiso la diay kadib markii ay weerar ku qaadeen Kolonyo Ciidanka Uganda la socdeen inta u dhaxeysa Golweyn iyo Beled-Amiin.

Markii dambe, AMISOM ayaa bedeshay qoraalkaas, kana saartay baraheeda bulshada, waxayna sheegtay inaysan dadkaas kamid ahayn Al-Shabaab, waxayna balan qaadey inay sameyn doonto baaritaan.

AMISOM waxay caado ka dhigatay inay dadka shacabka ah disho, kadibna meesha uga tagto, iyadoo taasi u sabab tahay la-xisaabtan la'aanta dhanka dowladda dalka mas'uulka ka ah.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.