Bandow 10-cisho ah oo lagu soo rogay Degmada Marka

Marka (KON) - Maamulka Degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa uu Bandow socon doona ilaa iyo 10-casho oo Caawa bilaawan doona kaga dhawaqay gudaha Degmadasi.
Warar Keydmedia Online
Bandow 10-cisho ah oo lagu soo rogay Degmada Marka

Gudoomiyaha Degmadasi Maxamed Cismaan ayaa sheegay in Amaanka Magaaladasi lagu xakeemeen karo kaliya in ay bandow soo rogaan oo ay kala saran dadka rayidka iyo kuwa nabad diidka ah.

Dilal kala gooni ah ayaa Maalmihi ugu dambeyay ka dhacayay magaaladasi oo aysan jirin cid loso qabtay.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in uu Bandowga bilaawan doono 12-ka Maqribno Caawa cidi la arkana loo Aqoonsan doono inay tahay Nabad diid iyo basaas u shaqeeya Maleeshiyaadka Al-shabab.

Keydmedia Online - Xafiisks Muqdisho




Warar 20 February 2021 1:45

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in dad gaaraya 20 qof ay ku dhimatay dagaalka Muqdisho, inkastoo macluumadka ay Keydmedia Online haleysa sheegaya in ku dhawaad 60 qof ay ku dhinteen.