Bandow Xalay Ka Dhqan Galay Kismaayo

Kismaayo (KON)- Kadib howlgallo ballaaran oo ay saacadihii la soo dhaafay ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Raaskaambooni ay ka wadeen xaafadaha kala duwan ee magaalada Kismaayo ayaa xalay waxaa magaaladaasi ka dhaqan galay Bandow ay Ciidamado xalay magaalada ku soo rogeen.
Warar Keydmedia Online
Bandow Xalay Ka Dhqan Galay Kismaayo

C/naasir Seeraar Afhayeenka Kooxda Raaskaambooni ayaa warbaahinta u sheegay in bandowga xalay lagu soo rigay magaalada uu ahaa mid ay ku xaqiijinayeen amaanka magaalada, isagoo xusay in xalay bandowgaasi uu dhaqan galay.

Bandowgaan oo hadda kadib socon doonaa habeen kasta ayaa waxaa uu bilaaban doonaa 8-da fiidmnimo iyo ilaa 6-da aroornimo, ayadoo saacadahaasi cidii ay Ciidamada qabtaan ay xabsiga u taxaabi doonaan.

Keydmedia Online -Xafiiska, Kismaayo