Bangiga Adduunka oo $445 malyan ugu deeqay Soomaaliya

Bangiga Adduunka ayaa Dowladda Soomaaliya ugu deeqay malaayiin doolar, Saacado kadib markii Wasiirka Maaliyadda Dowladda Fadaraalka uu sheegay in Beesha Caalamka joojisay deeqihii la siin jiray Soomaaliya, hadalkaas oo ahaa mid xaqiiqda ka fog.

Warar Keydmedia Online
Bangiga Adduunka oo $445 malyan ugu deeqay Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay qalinka ku duugtay heshiis uu la galay Bangiga Adduunka, kaas oo Soomaaliya lagu siinayo $445 milyan oo deeq ah looguna talagalay mashaariic horumarineed iyo dib-u-habeyn dhaqaale.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Kristina Svensson ayaa Arbacadii kala saxiixday heshiiska.

Saxiixaan ayaa ku soo aadaya, xilli saacado ka hor uu Wasiirka Maaliyadda sheegay in beesha caalamka ay jartay dhammaan lacagihii ay siin jirtay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Hyeeshee, Wasiir Beyle, oo ku faanayay heshiiska uu saxiixay ayaa yiri, “Tan waxa ay caddeyn u tahay sida adduunku inoogu kal soonaaday tan iyo markii aan fulinany dhamaan shuruudihii deyn_Cafinta”.

Waa laba hadal oo aan is qaban, aadna u kala fog, Keydmedia Online, waxa ay hore u baahisay in Beyle, hirgaliyay hannaan lagu boobayo hantida dad weynaha, si xoolaha umadda loogu galo doorashooyinka soo socda.

Shacabka ayaa is weydiinaya haddii kalsooni lagu qabo hannaanka maaliyadeed ee Dowladda Soomaaliya, maxaa loo jaray deeqaha iyo lacagihii lagu kaabi jiray miisaaniyadda, ee uu hore u sheegay Wasiir Beyle?

Howlaha ugu horreeya ee lacagtaan lagu qabanayo waxaa ka mid ah hirgelinta mashruuc lagu magacaabo, international developmental Association (IDA) kaas oo diiradda lagu saarayo waxbarashada Soomaaliya.

Mashruucan kaligiis oo ay ku baxeyso 40 milyan oo doolar ayaa looga gol leeyahay in ugu yaraan 100,000 oo arday ah, gaar ahaan gabdhaha danyarta ah lagu siiyo waxbarasho tayo leh.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.