Bankiga Adduunka oo agaasime cusub u soo magacaabay Soomaaliya 

Bangiga Adduunka ayaa u magacaabay Geeska Africa agaasime cusub, sida lagu sheegay Qoraal ka soo baxay Hay’adda.

Warar Keydmedia Online
Bankiga Adduunka oo agaasime cusub u soo magacaabay Soomaaliya 

NAIROBI, KENYA - Bankiga Adduunka ayaa Keith Hansen u soo magacaabay inuu noqdo agaasimaha cusub ee Kenya, Uganda, Rwanda iyo Soomaaliya, asigoo badalaya Carlos Felipe Jaramillo.

Keith Hansen oo shaqadiisa bilaabaya maanta, 8-da bisha bisha Sebtember ayaa ah garyaqaan u dhashay dalka Mareykanka, wuxuuna ku jiray arrimaha horumarinta mudo ka badan 30 sano, sida uu Bangiga sheegay.

Hansen ayaa wax kasoo bartay Jaamacaddaha ugu sareeya dalka Mareykanka, wuxuuna shahaadada heerka koowaad ka qaatay Jaamacadda Stanford, Master-ka Arrimaha Bulshada oo uu ka qaatay Jaamacadda Princeton, halka shahaadada heerka koowaad ee Sayniska Siyaasadda uu ka qaatay Jaamacadda Yale.

Xafiiska Bangiga Adduunka ee Geeska Africa ayaa ah caasimadda Dalka Kenya ee Nairobi.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.