Bannaanbax lagu dalbanaayo caddaalad u raadinta Ikraan oo ka dhacay Gaalkacyo

Waxay ku dhawaaqayeen Ikraan caddaalad bay rabtaa, iyo hadallo guubaabo ah oo lagu garab istaagayo Rooble oo ku aadan dardar gelinta howlaha caddaaladda loogu baadi goobayo Ikraan Tahliil oo aheyd gabar da’ yar ah oo qarankeeda u shaqeyneysay.

Warar Keydmedia Online
Bannaanbax lagu dalbanaayo caddaalad u raadinta Ikraan oo ka dhacay Gaalkacyo

GAALKACYO, Soomaaliya- Koonfurta magaalada Gaalkacyo qeybta Galmudug waxaa ka dhacay bannaanbax lagu taageerayo caddaalad u raadinta Ikraan Tahliil oo uu hormuud ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Boqolaal shacab ah oo ka qeyb galay dibadbaxa ayaa madaxa kusoo xirtay maryo gaduudan, iyagoo watay boorar ay ku kala xardhan yihiin sawirrada Ikraan Tahliil iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Waxay ku dhawaaqayeen Ikraan caddaalad bay rabtaa, iyo hadallo guubaabo ah oo lagu garab istaagayo Rooble oo ku aadan dardar gelinta howlaha caddaaladda loogu baadi goobayo Ikraan Tahliil oo aheyd gabar da’ yar ah oo qarankeeda u shaqeyneysay.

‘‘Ra’iisul Wasaare waxaan kugu garabtaagannahay badbaadinta dalka, jiheynta doorashooyinka iyo caddaalad u raadinta Ikraan’’ ayaa sidoo kale ka mid ahaa waxyaabihii ay ku dhawaaqayeen.

Rooble ayaa dhawaan isku howlay Kiiska Ikraan ee caddaaladda loogu raadinaayo, taasi oo ay bogaadiyeen bulshada qeybaheeda kala duwan. Halka Farmaajo uusan damqasho iyo masuuliyad uusan ka muujin Kiiska Ikraan oo caddeyn u noqotay in la barto wajiga dhabt ah ee Farmaajo, Madama eedeysanayaasha Kiiska Ikraan uu gaashaan u noqday.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 10:10

Kaliya, Kooxda Fahad, waxa ay sheegeen in Maryan, xubno ka mid ah ehelkeeda ay ka mid yihiin Al-Shabaab, isla-markaana gabar caawiye u ahayd oo la yiraahdo Hodan ay u baxsatay dhanka Al-Shabaab, taas oo ilaa iyo hadda aysan u keenin wax caddeyn ah.