UK oo qorsheyneysa inay jarto Gargaarka ay siiso Soomaaliya
Bannaanbax ay soo abaabuleen Hooyooyinka iyo dhallinyaro isugu jira wiilal iyo gabdho ayaa ka dhacay goor dhaw magaalada Gaalkacyo, kaasoo looga soo horjeedo Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyihiisa NISA
GAALKACYO, Soomaaliya - Banaanbax looga soo horjeedo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Taliyaha Nisa Fahad Yaasiin ayaa Gaalkacyo ka dhacay barqa nimadii maanta.
Hooyooyin ka careysan wiilashooda oo tababar loogu qaaday waddanka Eritariya ayaa iskugu soo baxay jidadka waa weyn ee magaalada Gaalkacyo kaddib markii ay sheegeen warbaahnta gudaha in qaar ka mid ah wiilashii tababarka loogu qaaday Eratariya ay ku dhinteen dagaalkii Dowladda Itoobiya Iyo Jabhadda Tigreega TPLF ee dabayaaqadii sanadkii na dhaafay ka socday gobolka Tigreega
Hooyooyinka isku soo baxay ayaa dalbanaya cadaalad iyo in caruurtoodii nolol ama geeri mid loogu sheego iyagoo ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha Nisa in ay qaadayaan masuuliyadda dhib kasta oo soo gaara wiilashooda tababarka ugu maqnaa.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments