Bannaanbax ka billowday Isgoyska Fagax

Iyadoo saacado kahor halkan ay soo gaareen ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliya oo ka careysan muddo kororsiga ayaa waxaa haddana Isgoyska Fagax ka billowday Bannaanbax ay dhigayaan dad shacab ah.

Warar Keydmedia Online
Bannaanbax ka billowday Isgoyska Fagax

MUQDISHO, Soomaaliya - Inta u dhaxaysa degaanka Siisii ilaa isgoyska Fagax waxaa hadda ka billowday Bannaanbaxyo ay dhigayaan dad shacab ah, Iyadoo saacado kahor halkan ay soo gaareen ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliya oo ka careysan muddo kororsiga.

Dhallinyaro careysan ayaa ku qeylinaya "Dooni meyno muddo kororsi" iyo "Dooni meyno kaligii-taliye" iyo eraya kale oo lamida, waxaana bartamaha isgoyska Fagax iyo inta u dhaxaysa degaanka Siisii lagu gubay taayaro, iyadoo isku socodka dadka ee goobtaasi uu furan yahay.

Gawaari tikniko ay leeyihiin ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo soo goostay kuwaasoo ka yimid gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa soo gaaray isgoyska Fagax.

Dadka deggan Fagax agagaarkeeda ayaa sheegaya in ay arkayaan ciidamo wata gaadiidka dagaalka oo soo buux dhaafiyay isgooska Fagax.

Dowladda Soomaaliya ayaana wali ka hadlin ciidamadan soo galay gudaha Magaalada gaar ahaan dhanka deegaanada Waqooyi ee Muqdisho, Keydmedia Online oo isku dayday in ay la xariirto taliska Ciidanka Xoogga iyo Wasaaradda Amniga ayaa wali jawaab ka helin. 

Bogga Twitter ee Keydmedia English ayaa kala socon kartaa xaaladda, kana daawan kartaa Muuqaaladda banaanbaxa [Daawo Video]. 

Bannaanbaxan ayaa kusoo aadaya xilli magaalada Muqdisho ay qasantahay, waxaana jira isku soo baxyo kale oo kuwan lamida iyo qaar lagu diiddan yahay canshuur dheeri ah oo lagu soo rogay kawaanada hilibka ee magaalada Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].